Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka Hadashay Khilaafka Madaxda Somalia


Shir aan caadi ahayn oo xalay fiidkii uu Garoowe ku yeeshay Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayuu Goluhu kaga hadlay Khilafka Madaxda Dowladda Federalka ee ku saabsan isku shandhayntii cusbayd ee dhowaan uu Raisulwasare Cabdiweli Sheikh Axmed ku sameyay Golaha Wasiirada ee xukuumadda Federaalka ah.

Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha Guran) oo saxaafadda la hadlay xalay shirkii Golaha Wasiiradda ka dib ayuu sheegay in Puntland ay ka xuntahay Khilaafka joogtada ah ee soo kala dhex galaya mar walba madaxda dalka, isla markaana ay kaalin ka geysan karto soo afjaridiisa.

XS
SM
MD
LG