Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaalad Cusub oo Cudurka Ebola oo laga Helay NY


Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa laga helay xaalad cusub ee cudurka Ebolaha. Dhakhtar dhawaan soo daweeyey dad qaba cudurka Ebola ee dalka Guinea ayaa isna laga helay cudurka, haatan lagu baaryaaa cusbitaala ku yaala New York.

Dhakhtarka oo lagu magacaabo Graig Spencer ayaa baaritaano bilow ah oo lagu sameeyey ay muujiyeen inuu cudurku hayo. Baarista ayaa ka dhacday cusbitaalka Bellevue ee gobolka New Yorking.

Xarunta ka hortaga iyo xakameeynta cudurada ee (CDC) ayaa waxay sameeyn doontaa baaritaankii labaad si ay si buuxda ugu cadeeyso natiijada baarista.

Gelinkii hore ee shalay oo khamiis ahayd ayaa Dr. Spencer uu ku wargeliyay ha’yadda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn oo uu uga shaqeynayay dalka Guinea in uu isku arkay qandho badan iyo lalabo oo labaduba ka mid ah astaamaha cudurka Ebola.

Saraakiil ka tirsan gobolka New York ayaa sheegay in Dr. Spencer uu arbacadii raacay tareen, isla markaana uu taksi u qaatay gurigiisa. Saraakiisha ayaa raadinaya cid kasta oo xiriir la sameysay dhakhtarka. Dr. Spencer wuxuu noqonayaa qofkii afraad ee laga helo cudurka isagoo ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

XS
SM
MD
LG