Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hong Kong oo Farogelin Debedeed ku eedaysay mudaharaadada


Hoggaanka mudaharaadayaasha dimoqraadiyad doonka ah ee reer Hong Kong ayaa si weyn uga horyimi hadal ka soo yeedhay hoggaamiyaha fulinta ee Hong Kong, taas oo uu ku sheegay in mudaharaadada ka socda Hong Kong inay soo abaabuleen quwado shisheeye ahi.

Xoghayaha ururka Ardayda Hong Kong Alex Chow ayaa diiday hadalka uu sheegay hoggaanka fulinta ee Hong Kong Leung Chun Ying, isaga oo xoghayaha ardaydu uu ku dooday in madaxa Hong Kong uu arrinta meel kale u leexinayo.

Xoghayaha Ardayda Hong Kong ayaa ugu baaqayn Leung Chun Ying inuu caddayn u keeno eedaha uu soo jeediyey.

Leung oo waraysi siinayey mid ka mida Telefiishadana ayaa sheegay in mudaharaadada toddobaadyada socday aanay dhammaantood ahayn kuwo gudaha laga abaabulay hase ahaatee wuxuu ku eedeeyey inay quwado shisheeye ku lug leeyihiin mudaraadada, wuxuuse diiday inuu magcaabo dalalka ay u tuhmayaan inay ku lug leeyihiin ama kooxaha ay aaminsan yihiin inay taageerayaan mudaraadada.

XS
SM
MD
LG