Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AU oo Baareysa Eedeymaha ka Dhanka ah AMISOM


Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa aqbashey in Somalia loo diro koox baaritaan ku soo sameysa eedeymo la xiriira tacaddiyo dhanka jinsiga oo ay geysteen xubno ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), sida ay hore u baahisey hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Kooxdan oo ka kooban afar xubnood oo ay ku jiraan laba dumar ah ayaa u kala dhashey Ghana, Tanzania iyo Zimbabwe, waxayna leeyihiin khibrad heer caalami ah oo ay ku gutaan hawlahooda.

Xubnahan ayaa baaritaan ku sameyn doona eedeymo la xiriira tacaddiyo dhanka jinsiga iyo kuwo kale oo ay geysteen ciidamada nabad ilaalinta ee Uganda, Burundi iyo weliba xubno ka tirsan saraakiisha rayidka ee AMISOM.

Guddiga ayaa la filayaa inay natiijada baaritaankooda soo gudbiyaan 30ka bisha November ee sannadkan.

XS
SM
MD
LG