Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay waddada Maka al-Mukarama


Gaadiidka gurmad oo qaadaya dadkii wax ku noqday qaraxa
Gaadiidka gurmad oo qaadaya dadkii wax ku noqday qaraxa

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay 15 kale-na way dhaawacmeen kaddib markii qarax baabuur uu ka dhacay makhaayad ku taalla waddada Maka al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Baaburka ayaa ku qarxay bannaanka hore ee makhaayadda Aroma oo u dhow hotel Weheliye ee waddada Maka al-Mukarama

Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Aden, madaxa gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Muqdisho ayaa VOA u sheegay in ambulaasyada Muqdisho ay qaadeen 10 qof oo mayd ah oo ay ku jirto qof haween ah iyo 15 dhaawac ah.

Cabdiraxmaan Tuuryare, Madaxa Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya ayaa dhinaciisa VOA u sheegay in ilaa hadda saraakiisha boolisku ay ku wargaliyeen in 7 qof oo haweenay ay ku jirto ay ku dhinteen qaraxa, 10 kalena ay dhaawacmeen.

XS
SM
MD
LG