Isku xirrada

War Deg-Deg ah

U.S oo $212M ku Bixinaysa dib u Dhiska Qaza


Shir lacag loogu uruurinayo dib u dhiska Marinka Qaza ayaa Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku wuxuu kaga dhawaaqay balanqaad lacageed oo dhan 212 malyuun oo dollar oo dib loogu dhisayo Marinka Qaza kaddib dagaallo dhexmaray Xamas iyo Israel.

John Kerry ayaa sheegay in dadka Qaza degan ay taageerro haatan u baahan yihiin. Maraykanka ayaa horey u bixiyay 118 malyuun oo dollar oo gar-gaar bini'aadanimo ah.

Hoggaaminayaasha Falastiniyiinta ayaa iyagu raadinayay 4 Billion oo dollar oo ay ka helaan waddamo badan oo shirkan maanta ka qeybgalay.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas ayaa ka hadlay inta ay le'eg tahay burburka Qaza iyo baahiga loo qabo gar-gaar, isagoo sheegay in dhamaan xaafaddo badan ay ku burbureen dagaalkii 50 cisho socday ee dhexmaray Israel iyo Xamas, dagaalkaasina waxaa ku dhintay 2,100 Falastiiniyiin ah, oo u badan rayid iyo 67 ciidanka Israel iyo 6 rayidka Israel ka tirsan.

XS
SM
MD
LG