Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Thomas Duncan oo u Dhintay Cudurka Ebola


Xaaladda ugu horeysay ee cudurka Ebola ee laga helay dalka Maraykanka ayaa qofkii cudurka qabay uu Arbacadii shalay ku dhintay magaalada Dallas, gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Cisbitaalka Texas Health Presbyterian ayaa sheegay in Thomas Eric Duncan uu dhintay 10 maalmood ka dib markii cisbitaalka la seexiyey. Waxa uu magaalada Dallas yimid 20kii bishii September, isaga oo ka yimid dalkii uu u dhashay ee Liberia.

Madaxa Xarunta Xakameynta iyo Ka-hortagga Cudurada ee Maraykanka Dr. Thomas Frieden ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday dhimashada Mr. Duncan. Mr. Frieden waxa uu sheegay in Maraykanku uuna ka marnaan karin cudurkan inta uu ka sii jiro Galbeedka Afrika.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in la dagaalka cudurka Eboa ay tahay arrin amni qaran oo mudnaan leh. Waxa uu sheegay in hanaan wax lagu baarayo oo cusub la dhaqan galin doono, kaas lagu sameyn doono dadka ka imanaya dalalka Guinnea, Liberia, iyo Sierra Leone ee imanaya dalka Maraykanka.

Mr. Obama ayaa sheegay in Maraykanku uu leeyahay dhakhaatiirta dunida ugu wanaagsan, kuwaas oo garanaya sida loola tacaalo cudurada faafa. Waxa uu sheegay inuu kalsooni ku qabo in cudurkani uuna ku faafi doonin dalka Maraykanka gudihiisa.

XS
SM
MD
LG