Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Labada Kuuriya oo Kulan Yeeshay


Mas’uuliyiinta Koonfuurta iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa isku raacey inay dib u bilaabaan wadahadalada heerka sare oo muddo dhowr bilood ah hakad ku jirey.

Wadahadalada ayaa la filayaa inay bilaaban doonaan inta u dhexeysa aakhirka bisha October iyo horaanta bisha November.

Heshiiska cusub ee wadahadalada dib loogu bilaabayo ayaa imanaya kadib socdaal naadir ah, lama filaanna ahaa oo uu Koonfuur Kuuriya ku tegey wafdi ka kooban saddex sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo maanta la kulmey wasiirka Arrimaha Midnimada Koonfuurta Kuuriya Ryoo Kihi-jae.

Wafdiga Waqooyiga Kuuriya waxaa horkacayey Hwang Pyong So, oo ah ninka labaad ee ugu sareeya hoggaanka Waqooyiga Kuuriya ee ku xiga Kim Jong Un.

XS
SM
MD
LG