Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo ka Jawaabtey Khudbaddii Netanyahu


Dowladda Iran ayaa sheegtay in Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu si aan sal lahayn ugu xiriiriyey Iran jabhadda ISIS xilli uu khudbad ka jeedinayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Iyadoo ka jawaabeysa khudbaddaasi la jeediyey Isniintii, Iran waxay kaloo sheegtay in Mr. Netanyahu uu halkiisii ka sii watey siyaasad uu ku dhaawacayo kuna dhaliilayo wadahadalada Iran ay kula jiro dalalka quwadaha waaweyn ee la xiriira barnamaijkeeda nuclear-ka.

Hoggaamiyaha Israel ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in Iran isku dayayso inay dunida khiyaanto markii ay aqbashey heshiis looga qaadayo cunaqabateynta, iyadoo dhanka kalena sii wadata horumarinta hubka nuclear-ka.

Iran ayaa horey u sheegtay mar walbana ku adkeysata in barnaamijkeeda nuclear-ka uu yahay mid nabadeed.

Mr. Netanyahu waxaa uu sheegay in Iran ay horjooge ka tahay olole ay dooneyso inay kacaanka Islaamiga ah ku baahiso dunida, isla markaana Iran oo yeelata hubka nuclear-ka ay ka khatar badnaan doonto kooxda ISIS.

Waxaa uu sheegay in dhamaan miliishiyaadka Islaamiga oo ay ku jiraan ISIS, Hamas, al-Qaida iyo Boko Haram, ay wadaagaan fikrado xagjirnimo ah, isla markaana Iran ay saldhig awoodeed u noqon karto.

Dowladda Iran waxay khudbadda Mr Netanyahu ku tilmaantey inay ka muuqatey Iran nacayb iyo Islaam nacayb intaba.

XS
SM
MD
LG