Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeymo Xooggan oo Weli Daacish ku Socda


Koox la socota xaaladda Syria ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo ay u egtahay inay fuliyeen ciidamada isbaheysiga uu Mareykanku horkacayo lala helay baro ay leedahay kooxda Daacish maanta oo Sabti ah gudaha dalka Syria.

Kooxda la Socodka Xuquuqda Aadanaha ee Syria ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada isbaheystay ay duqeymo xooggan u geysteen saldhigga ugu weyn Daacish Syria ee ku yaala Gobolka Aleppo, meel ku dhow Jaamacadda al-Etixad.

Kooxdan ayaa sheegtay in qararyo waaweyn oo ilaa iyo 31 gaaraya laga maqlay deegaanka Raqqa, oo ah dhul ay ku xooganyihiin taageerayaal bandanna ay ku leeyihiin maleeshiyaadka Daacish. Qasaare nafeed oo ay duqeynta Geeysatay ayaa la soo warinayaa.

Kooxdan Arimaha Syria isha ku heysa ayaa sidoo kale sheegeysa in duqeymo kale oo cirka ah ay ka dhaceen goobo ku yaala bariga magaalada Saxaraha ku taala ee Palmyra, gobolka Xoomis maanta oo Sabti ah.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, dayuuradaha droneska ee aaney cidina wadin iyo dayuurado kale oo ay leeyihiin isbaheysata ayaa sidoo kale duqeeyay Jimcihii baro ay Daacish ku leedahay Ciraq iyo Syria.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii dalalka Britain, Denmark iyo Builjiumka ay ku dhawaaqeen inay ka qeyb qaadan doonaan duqeymaha ka dhanka ah Daacish, gaar ahaan Ciraaq, balse aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka Syria.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa sheegay Jimcihii shalay in in ka badan 200 oo duqeyn laga fuliyay Ciraaq todobaadkii la soo dhaafay, halka 43 weerar ay ka dhaceen Syria.

XS
SM
MD
LG