Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goosashada Scotland oo Afti loo Qaadayo


Goobaha codbixinta ee Scotland ayaa si rasmi ah u furmay iyada oo la qaadayo afti Taarkhi ah, Natiijada aftidaasi ayaa go’aamin doonta in Scotland ka sii mid ahaato Boqortooyada Britain iyo inay gooni isku taagto.

Codbixiyayaasha ayaa kala dooranaya ‘Haa’ amma ‘Maya’, waxaana codadka laga dhiibanaya 2600 oo goobood.

Ka soo qaybgal aad u sareeya ayaa la filayaa, waxaana aftidan isku diiwaan galiyay boqolkiiba 95 ka mid ah dadka loo ogolyahay inay codeeyaan.

Ra’yi ururin dhawaan la sameeyay ayaa tilmaamaysa in codadku isku dhawaan doonaan iyada oo ay soo badanayso tirada dadka doonaya in Scotland gooni isku taagto.

Dadka ka soo horjeeda arrintaasi ayaa tilmaamaya indhibaato badan ay soo gaadhi doonto dhaqaalaha iyo nolosha dadka reer Scotland haddii ay ka go’aan boqortooyada Britain oo ay ka mid ahaayeen 307 sannadood.

Warbixinta Codbixinta Scotland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG