Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa ku suggan dalka Masar, safar qeyb ka ah socdaal uu ku kala bixinayo gobolka, oo uu ku doonayo taagerada buuxda ee dalalka gobolka ugu helo, isbaheysi caalami ah oo lagu wado inuu la dagaalamo kooxda Daacish ee heysata qeybo ka mid ah dalka Ciraaq iyo Syria.
Kerry ayaa kulamo kula yeeshay magaalada Qaahira maanta oo Sabti ah Madaxa ururka Jaamacadda Carabta, Nabil al-Arabi, Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar , Sameh Shoukri.
Mareykanka ayaa ka shaqeynaya sidii dagaalyahanada Daacish oo uu dhowaan duqeymo kula beegsaday waqooyiga Ciraaq, uu ugu helo lahaa isbaheysi balaaran oo dhulka kula dagaalama.
Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda bilaabay talaabooyinka ka dhanka ah Daacish ay ugu yeeraan “Dagaal “
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, Josh Earnest ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu la mid yahay dagaalkii ay horey ugula jireen-- al-Qaida.