Isku xirrada

War Deg-Deg ah

13 Guurada 11kii September oo La Xusay


Dadka Mareykanka ayaa shalay isxusuusiyay 13 sana guuradii ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee 11ki September dalakan ka dhaacay

Bartii ay beri ku yaaleen sarihii mataanaha ee xarunta ganacsiga aduunka ee magaalada New York, ayaa qaar ka mid ah qoysaska iyo asxaabta dadkii weerarkaasi wax ku noqday ay ka aqriyeen magacyada ku dhawaad sadex kun oo qof oo ku dhintay weerarkii dayuuradaha loo adeegsaday ee lala dhacay dhismooyinkaasi, xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo meel ku dhow degmada Shanksville, ee gobolka Pennsylvania.

Madaxweyne Obama iyo Marwadiisa ayaa Iyana ka qeyb galay qadar aamusnaan ah oo lagu xusayay dadkaasi oo ka dhacay Aqalka Cad, aamusnaantaas oo lagu soo beegay isla saacadii dayuuradii ugu horeysay lagu dhuftay sarihii Mataanaha ee New York.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Xaaskiisa waxey ka qeyb galeen xafladdo xus ah oo lagu qabtay – xarunta Pentigonka ee gobolka Virginia duleedka Washington – halkaasoo Iyana boqolaal qof ay ku dhinteen – markii dayuuradii sadexaad lagu dhuftay.

XS
SM
MD
LG