Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaar la Gaarsiiya Buulo Burde


Kolonyo baabuur ah oo siday gar-gaar ka yimid dowladda Djibouti ayaa maanta la gaarsiiyay degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan oo ahayd degmo go'doonsan tan iyo marki laga qabsaday al-Shabaab.

General Cismaan Subagle, taliyaha KMG ee ciidamada AMISOM ayaa VOA u sheegay in gar-gaarkan oo dhamaa 250 tan ay isugu jireen bariis, bur, saliid iyo sonkor.

Subagle wuxuu sheegay in ciidanka Djibouti ay si xoog ah raashinkan ku gaarsiiyeen degmada Buulo-Burde, isagoo sheegay inaan cidna go'doomin karin Buullo-Burde.

Ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa Buulo Burde kaga qabsaday al-Shabaab, muddo laga joogo 5 bilood, balse maleeshiyada al-Shabaab ayaa go'doomiyay degmada una diiday inay galaan ama ka baxaan baabuur.

XS
SM
MD
LG