Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Barre Hiiraale Geysay Muqdisho


Col Barre Aden Shire, oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Kismaayo ayaa galabta loo soo duuliyay magaalada Muqdisho kaddib markii uu aqlabay waan-waan nabadeed oo isaga iyo mamulka Jubba ay ka dhexwadeen dowladda Somalia iyo IGAD. Col Barre ayaa maanta galinkii hore gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo kula kulmay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubba. Col. Barre waxaa Muqdisho keentay diyaarad ay la socdeen wasiirro ka tirsan dowladda Somalia. Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qosyte.

Dhageyso Warbixinta Tegista Barre Hiiraale ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG