Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gen. Diini oo ka Halday Hub-uruurinta Muqdisho


Howgalka hubka dhigista
Howgalka hubka dhigista

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Somalia, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka hadlay hub ka dhigista ay dawladda Somalia ka waddo magaalada Muqdisho. General Diini ayaa sheegay in hubku uu gacanta dawladda oo kaliya ku jiro, iyada oo ciddii baahi u qabtana loo sharciyeyn karo.

Dhinaca kale, qeybaha bulshada ee magaalada Muqdisho ayaa taageeray hawlgalada ay dawladdu hubka ku uruurinayso.

Wariyaha VOAda ee gobolka Ohio, Abdi-kafi Yusuf Adan oo wareystay taliyihii hore ee ciidamada ee Somalia General Diini, haatana ku sugan Columbus ee gobolka Ohio, waxuuna ugu horeyn weeydiiyay sida uu u arko hub ka-dhigista ay dowladu ku dhaqaaqday.

Gen. Diini
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:51 0:00

XS
SM
MD
LG