Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Djibouti


Sawir Hore
Sawir Hore

Wararka ka imanaya Djibouti ayaa sheegaya in maanta galabtii toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu isla maanta garoonka ka soo degay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa VOA u sheegay in madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor toogashada.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgaliyada Madaxweynaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay , isaga oo dhaawacay laba qof.

Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacmay ayaa ah Dr Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ah isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.

XS
SM
MD
LG