Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu:Shacabka Qaza Waan u Digeynaa


Ra’isuwal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa uga digay dadka ku nool Marinka Qaza inay ka fogaadaan meelaha ay ka howlgalaan maleeshiyaadka ururka Xamaas, meelahaas oo uu sheegay inay bar tilmaameed u yihiin weerarada Israel.

Ra’isul Wasaaraha Israel ayaa hadalkaasi sheegay maanta oo Axad ah, maalin ka dib markii dayuuradaha dagaalka ee Israel ay dhulka ku dareen dhismo ku yaala Qaza.

Benjamin Netanyah, ayaa digniintan ku sheegay in Falastiiniyiinta looga baahanyahay inay ka fogaadaan saldhigyada sida uu sheegay ay Qaza ku leeyihiin Xamas.

Milatariga Israel ayaa sheegay in dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa dhismahii shalay la duqeeyay ee labada dabaq ahaa ay digniin ku siiyeen inay halkaasi baneeyaan ka hor inta aan weerarka lagu qaadin. Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka.

Israel ayaa sidoo kale shalay weeraro dhowr ah ka geysatay Qaza, kuwaasoo ay ku dhinteen dhowr qof.

XS
SM
MD
LG