Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India Iyo Pakistan oo ku Dagaalamay Kishmir


Ugu yaraan afar qof oo ka soo jeeda gobolka Kishmiir ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay, ka dib markii uu dagaal ku dhex maray gobolkaasi lagu muransanyahay ciidamada India iyo Pakistan.

Saraakiisha Milatariga ayaa ku soo waramaya in laba ka mid ah dadka dhintay ay u dhasheen Kishmiirta India, halka labada kalena ay ku dhinteen dhinaca Pakistan ay maamusho.

Dal waliba wuxuu kan kale ku eedeynayaa inuu dagaalka bilaabay, iyadoo israsaaseynta ay ka socotay meelaha qaar maanta oo Sabtid ah.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay todobaadkan, ka dib markii Inida ay baajisay wada hadal mudda dheer la sugayay oo dhex mari lahaa todobaadka soo socda labada wadan.

Pakistan ayaa ku tilmaantay go’aanka ay India qaadatay “Dib u dhac” iyadoo isku difaacday in Pakistan ay muudo dheer caado u laheyd inay la kulanto hogaamiyeyaasha Kishmir, xitaa ka hor wada hadalada India iyo Pakistan, si looga shaqeeyo xal u helidda muranka gobolka.

Kashmir, oo ku taala buuraleyda Himilaya ayaa u kala qeybsan laba dhinac oo ay kala maamulaan India iyo Pakistan, labadanna waxey sheegtaan lahaanshaha dhulleed ee gobolka oo dhan.

Tan iyo markii ay xuriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947kii, ayaa labada wadan waxey dagaal xoog leh isaga hor yimaadeen Kishmiir sadex jeer.

XS
SM
MD
LG