Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Kordhiyay Duqaynta Ciraaq


Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu amar ku bixiyay in la sii kordhiyo duqaynta dhinaca cirka ee ay ciidamada Maraykanku ka fulinayaan waqooyga Ciraaq.

Ujeedada amarkan ayaa lagu tilmaamay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda kooxaha mayalka adag ee dagaalka ka wada waqooyiga Ciraaq.

Sidoo kale ciidamada Maraykanka ayaa ku tala jira in gacanta kooxaha mayalka adag laga saaro biyo-xireenka muhiimka ah ee waqooyiga Mawsil.

Aqalka cad ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aanka madaxweyne Obama uu yahay qayb ka mid ah dadaal la doonayo in lagu sugo ammaanka danaha maraykanka iyo shaqaalaha maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Wararka ka imanaya ciraaq ayaa sheegaya in dagaalyahanada Kurdiyiintu ay la wareegeen qaybo muhiim ah oo ka mid ah biya xirenka Mawsil ee muhiimka ah.

Biya xireenka ayaa laga dhaliyaa awoodda korontada iyo waraabka beeraha ee waqooyiga Ciraaq.

XS
SM
MD
LG