Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Kenya oo isku Afgaran la' dib u Celinta Qaxootiga


Wasiirka Arrimaha Dibedda C/raxmaan Beyle
Wasiirka Arrimaha Dibedda C/raxmaan Beyle

Dowladdaha Somalia iyo Kenya ayaa isku maandhaafsan halka uu ka dhacayo kulan looga dhawaaqayo hirgelinta heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee arinta dib u celinta khaxootiga Somalida ee Kenya ku nool.

Kulankaasi looga dhawaaqayo bilowga hirgalinta heshiiskaas oo hay’adda UNHCR qayb ka tahay ayaa dowladda Kenya ay dooneysaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi halka dowladda Somaliyana ay ku adkeyaneyso in lagu qabto Muqdisho.

Dhinaca kale kulan shalay lagu waday inuu ka dhaco magaalada Nairobi ayaa warbaahinta Kenya ay qortay inuu baaqday markii dowladda Somalia ka qeybgali weyday.

Hadaba arimahaasi ayaa VOA ka waraysatay wasiirka Arimaha dibadda ee Somalia Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle, Waraysigiisa oo dhamaystiran xagga hoose ka dhegeyso.

Dhagayso Wareysiga Wasiirka Arrimaha dibadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:48 0:00

XS
SM
MD
LG