Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan ka Xumahay Dilka Michael Brown


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku biirey shakhsiyaadka ku baaqaya in degganaansho la muujiyo kadib toogashadii uu ku dhintey wiil madow ah oo aan hubeysneyn oo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska uu ku toogtey agagaarka magaalada St. Missouri ee dalka Mareykanka.

Dadweyne careysan oo ku nool xaafadda ay dadka madow ku badan yihiin ee Ferguson ayaa waddooyinka isugu soo baxay tan iyo markii uu dhintey Michael Brown oo 18 jir ahaa maalintii Sabtida.

Mudaaharaadyada ayaa isku beddeley kuwo rabshado wata, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka qeyb qaadanayey ay burburiyeen, isla markaana bililiqeysteen dukaamo, mararka qaarna si toos ah uu iska hor imaad u dhexmarey iyaga iyo booliska.

Shaley ayaa Madaxweyne Obama waxaa uu tacsi u direy qoyskii wiilkan la diley. Waxaa uu ku booriyey dadka inay isu tacsiyeeyaan qaab wax daweyn kara, ayna ka fogaadaan qaab waxyeelo geysan kara.

Guddoomiyaha Gobolka Missouri Jay Nixon ayaa isna ugu baaqey shacabka inay is dejiyaan mar uu ka hadlayey kulan balaaran oo kaniisadda lagu qabtey.

XS
SM
MD
LG