Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Diiddan Gargaarka Russia


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine ayaa ku adkeystey in kolonyada Russia ee ku soo jeeda gobolka ay dagaalada aafeeyeen ee bariga Ukraine aan loo oggolaan doonin inay waddanka soo galaan.

Arsen Avakov ayaa kolonyadaasi ku tilmaamey in ujeeddada laga leeyahay ay tahay daandaansi cad. Russia ayaa sheegtay in ku dhowaad 300 oo gawaari ay ka soo ambabaxeen magaalada Moscow iyagoo gargaar u sida shacabka afka Ruushanka ku hadla ee ku dhaqan bariga Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in kolonyadaasi loo oggolaan doono inay waddanka soo galaan oo qura hadii marka hore ay baaritaan ku sameeyaan Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

ICRC ayaa sheegtay inaaney wax xiriir oo toos ah oo ku saabsan shixnadahaasi la sameyn mas’uuliyiinta Russia, isla markaana ay sugayaan xog ku saabsan kolonyadaasi gargaarka sida.

Ilaa iyo hadda ma cadda goorta kolonyadaasi ay ku soo began yihiin bariga Ukraine, iyagoo soo jari doona masaafo dhan 750km, lamina hubo waxa ku dhici kara haddii xadka loga hortago.

Mas’uuliyiinta Kyiv ayaa sheegay in gawaarida Russia ay gargaarka ay sidaan ku wareejin karaan gawaari kale oo ICRC kireysatey oo xadka jooga. ICRC ayaa xaaladda bariga Ukraine ku tilmaantey mid aad u daran.

XS
SM
MD
LG