Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Dagaalka ISIS Waan Sii Wadeynaa


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in weeraro duqeyn ah oo shalay ciidamada Mareykanka ka bilaabeen Ciraaq, kana dhan ah Mintidiinta ISIS ay socon doonaan todobaad ka badan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka oo ay qaadeen Mareykanka ay ku burburiyeen hub iyo qalab milatari oo ay laheyd ISIS.

Maleeshiyada Dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ayaa qabsaday inta badan waqooyiga dalka Ciraaq iyagoo hareereeyay magaalooyin badan oo aysan weli galin.

Duqeynta Mareykanka ayaa timid ka dib markii maleeshiyadu ay ku dhawaatay magaalada Irbil oo xarun u ah kurdiyiinta Ciraaq, halkaas ii mareykanku uu qunsuliyad ku leeyahay, xarunta dhexe ee howlgalka wada jirka ee Ciidmada Ciraaq iyo Mareykankana ay ku taalo.

Warbixin ku saabsan shir Ja'raaid oo uu Madaxweyne Obama ku qabtay Maanta Aqalka Cad halka hoose ka dhageyso.

Dhageyso Warbixinta Duqeynta Ciraaq
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:01 0:00

XS
SM
MD
LG