Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sirleaf: Waan ka Hortageynaa Ebola


Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf ayaa ku dhawaaqdey xaalad deg deg ah iyadoo xanuunka Ebola uu si xawli ah u galaafanayo nolosha boqolaal qof oo Liberian ah iyo dalalka kale ee ku yaalla Galbeedka Africa.

Khudbad ay shacabka u jeedisey maalintii Arbacada ayay Mrs. Sirleaf ku xustey in Liberia ay khasab tahay inay qaaddo talaabooyon kheyrul caadi ah oo lagu badbaadinayo nolosha shacabka iyo badbaadinta qaranka.

Talaabooyinka la qaadayo ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada amniga loo adeegsado inay karantiin ama xeyndaab ku sameeyaan goobaha uu cudurka ka dilaacaya lana xakameeyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in booliska iyo ciidamada qalabka sida ee Sierra Leone ay go’doomiyeen goobaha miyiga, dadaal la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Ebola ee waddanka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in xanuunka Ebola uu Galbeedka Afrika ku diley in ka badan 930 qof, una badan dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Dadka xanuunkan qaadey ayaa tiraddooda guud ay tahay 1,700.

Dhanka kale WHO ayaa sheegtay in toddobaadka dambe ay qaban doonto kulan looga hadlayo tijaabooyinka dawada Ebola.

XS
SM
MD
LG