Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caalamka oo ka Tashanaya Daawada Ebola


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inay waqti hore ay tahay in imika laga fikiro in daawada cusub ee la tijaabinayo ee loogu talagalay cudurka Ebola loo diro galbeedka Africa.

Madaxweynaha ayaa sidaasi ka sheegay gabagabada shirmadaxeedka Africa iyo Maraykanka, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in arrintaasi jawaabteeda laga sugo culimada sayniska eek u xeel dheer .

Daawadan ayaa la siiyay laba qof oo maraykan ah oo cudurkaasi ku dhacay.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in ay todobaadka dambe qabanqaabinayso dood dhinaca anshaxa ah oo ku saabsan sida laga yeelayo dawadan cusub oo aan hore loo tijaabin oo loogu talagalay cudurka Ebola.

XS
SM
MD
LG