Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dumar ku Dhintay Bam ku Qarxay Muqdisho


Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay todoba kalena wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Federalka Somalia ayaa sheegay in sadex dumar ah ay ku dhinteen ugu yaraan todoba kalena ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhacay goob ay dumarkaasi howlo nadaafad ah ka wadeen oo ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Weli ma jirto cid durbadiiba sheegatay masuuliyadda weerarkan, hase yeeshee laba jeer oo hore oo sidan oo kale haween nadaafadda wadooyinka ka shaqeeynayay lala beegsaday sanadihii 2010 iyo 2011kii , waxay dowladda Somalia ay ku eedeysay Maleyshiyada urur Al-shabab.

Al-Shebab ayaa dhawaanahan kordhisay weerarada ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG