Barnaamijka Martida Makrafoonka toddobaadkan waxaa marti ku ah C/raxmaan Xoosh Jirbiil oo ahaa wasiirkii dastuurka, isla markaana ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaaliya.
C/raxmaan ayaa ka hadlaya muranka la xiriira arrimaha federaalka, gaar ahaan heshiiskii dhawaan Muqdisho lagu saxiixay ee maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe.