Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boko Haram oo Afduub ka Fulisey Cameroon


Maliishiyaadka Ururka Boko Haram ayaa afduubay xaaska Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Cameroon iyo duqa magaalo ku taalla xadka Nigeria.

Saddex qof oo kale ayaa la diley markii rag aad u hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maliishiyaadka Boko Haram ee Nigeria ay weerareen guryo ku yaalla magaalada

Kolofata waqooyiga waddanka.

Afhayeenka milatariga Cameroon Frederick Massogui Ayaan weli xaqiijin afduubka, balse waxaa uu raadiyaha dowladda ka shaaciyey inuu dagaal culus ku dhexmarey goobtaas ciidamada Cameroon iyo rag hubeysan oo ka yimid dhanka Nigeria.

Ilo ku dhow duqa magaalo ee la afduubey ayaa u sheegay VOA in dadka weerarka geystey ay dhanka xadka ula dhaqaaqeen xaaska Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Ahmadou Ali.

Weerarka maanta dhacay waxaa uu noqonayaa kii saddexaad ee Boko Haram ay ka fuliso gudaha Cameroon tan iyo maalintii Jimcaha.

XS
SM
MD
LG