Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay afar qof oo ay horay maxkamaddu xukun dil ah ugu ridday, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Afarta qof ayaa lagu eedeeyay inay galeen dabmiyo kala duwan oo isugu jira dil, qarxin, iyo abaabul dil, waxaana ku jiray Cawaale Axmed Jaamac oo ka danbeeyey qarax ka dhacay Hotel Maka al-Mukaramah
Corneel Cabdrixamaan Maxamed Tuuryare" oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa ka warramay hanaanka loo maray dilka maanta lagu fuliyay dhalinyarada la sheegay inay ka tirsanaayeen al-Shabaab.
Wareysi ay Caasho Ibrahim la yeelatay Corneel Tuuryare ka dhageyso xagga hoose.