Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Xoojisey Weerarada Marinka Gaza


Israel ayaa xoojisey weerarka dhinaca dhulka ee ka dhanka ah Marinka Gaza oo lagu hareereysan yahay, halkaas oo dad badan oo Falastiiniyiin ah lagu diley maanta , xilli kumanaan qof ay ka carareen goobaha sida aadka ah loo duqeeyey.

Milatariga Israel ayaa sheegay inay halkaasi u direen ciidamo hor leh.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tirade dhimashada ee weerarada Israel ay gaareen ilaa 400 oo qof oo badankooda ay rayid yihiin. Shaley oo keliya ayaa waxaa weerarka ay fulinayaan ciidamada Israel waxaa lagu diley 40 qof.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Gaza waxaa inoo soo direy weriyaha VOA ee magaalada Qaahira Xuseen Saxnuuni.

Israel ayaa sheegtay in laba qof oo rayid ah iyo shan askari laga dilay tan iyo markii dagaalada ay bilowdeen horaantii bishan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa la filayaa inuu maanta booqdo Bariga Dhexe isagoo ku guda jira dadaal la doonayo in colaadda lagu joojiyo.

Mr Ban ayaa booqan doona Dooxa, Kuwait City, Qaahira, Jerusalem, Ramallah iyo Amman.

XS
SM
MD
LG