Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Rakaab ah oo Lagu soo Riday Ukraine


Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Malaysia oo ka duushay Amsterdam kuna socotay Kuala Lumpur ay ku burburtay bariga Ukraine.

Shirkadda Diyaaradaha Malaysia ayaa bogga Twitter-ka ku sheegtay inuu go’ay xiriirkii ay la lahayd diyaaradaasi oo maraysay hawada Ukraine. Diyaaradan oo ahayd Boeng 777 ayaa waxay siday 280 rakaab ah iyo 15 shaqaale ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Ukraine, ayaa sheegay in diyaarad la soo riday kaddib markii gantaal dhulka laga soo tuuray uu ku dhacay.

Wakthiga ay soo baxeen wararka ku saabsan diyaarada dhacday, ayaa gooni-u-goosadka bariga Ukrina ayaa sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad miltari oo dowladda Ukraine ay leedahay, iyagoo ku soo riday magaalada Torez.

XS
SM
MD
LG