Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel: Dadka Deggan Gaza ha ka Baxaan


Miltariga Israel ayaa uga digay kumanaan kun oo qof oo deggan waqooyiga magaalada Qaza inay guryahooda ka tagaan, ilaa iyo amar dambe, xilli ay Israel sii wado Duqeynta ka dhanka ah maleeshiyaadka Xamaas oo gantaalo ku ridayay Israel.

Dayuuradaha dagaalka ee Israeli ayaa duqeeyay tobaneeyo bartilmaameed gelinkii hore ee maanta, goobahaas oo ay ku jiray guriga hogaamiyaha Xamas Mahmoud Zahar.

Waraaqo digniin ah oo ay daadiyeen milatariga Israel ayaa lagu sheegay in ciddii aand eegaankaa si dhaqsa ah uga tagin – ay Qatar gelineyso nolosheeda iyo sidoo kale tan xubnaha qoyskeeda.

Saraakiisha Xamas ayaa u sheegay dadka inay iska dhega tireen digniino, iyagoo sheegay in Israel ay adeegsaneyso dagaal nafsaani ah.

Duqeymihii dhacay maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan sadex qof, waxaana waxyeelo ay ka soo gaartay dhowr goobood, oo ay ku jiraan Isbitaal iyo xarun dhaqangelin.

Saraakiisha caafimaadka ee Palestin ayaa sheegaya in ugu yaraan 204 qof la dilay tan iyo markii ay Israel bilowday howlgal ay ku soo afjareyso weeraro gantaala ah oo ay xamaas ku soo tuureysay koonfurta Israel tan iyo todobaadkii la soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG