Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Hammond oo Noqonaya Xoghayaha A. Dibedda


Xafiiska Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa shaaciyey in Xogyahihii Difaaca Philip Hammond uu beddeli doono Xoghayaha Arrimaha Dibedda William Hague, oo shaqada si kedis ah uga tegey shaley, xilli Mr Cameron uu isku shaandheyn golihiisa wasiirada.

Hammond ayaa dhowaaan taageerey in Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub haddii aan EU dhaqangelin isbeddelo muhiim ah.

Mr. Cameron ayaa sidoo kale la filayaa inuu shaaciyo isbeddelo kale oo uu maanta ku sameyn doono golihiisa wasiirada, isla markaana uu ku soo daro haween badan, si uu uga jawaabo dhaleeceynta ah in dowladdiisa ay ragga keliya u badan yihiin. Ilaa iyo lix dumar ah ayaa lagu wadaa inay ka mid noqdaan golaha wasiirada ee ka kooban 23-ka xubnood.

Hague ayaa ka sii mid ahaan doona baarlamanka ilaa sannadka dambe, markaas oo uu sheegay inuu ka fariisan doono siyaasadda heerka qaran.

Michael Fallon ayaa loo magacaabey inuu noqdo wasiirka difaaca, waxaana uu beddelayaa Mr Hammond. Fallon waxaa uu horey u ahaa kaaliyaha wasiirka tamarta, waxaa uu isna ka mid yahay xubnaha u ololeeya in Brtain ay ka baxdo Midowga Yurub haddii aan la sameyn isbeddelo.

XS
SM
MD
LG