Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN-ka oo Dhimaya Shaqaalaha ka Jooga Libya


Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Libya ayaa si ku meel gaar ah u dhimaya tirada shaqaalahiisa sababo la xiriira walaac dhanka amniga ah.

Afhayeenka hawlgalka UNSMIL Samir Ghattas ayaa sheegay in go’aanka lagu dhimayo shaqaalaha la gaarey markii muddo dhowr bilood ah la dersayey xaaladda amniga.

Waxaa uu sheegay in talaabadan aaney la xiriirin khatar gaar ah oo soo wajahdey.

Hawlgalka UNSMIL waxaa lagu dhisey qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay markii xukunka laga tuurey Col Moammar Gadhafi .

Hawsha ay qabtaan ayaa waxaa ka mid ah in Libya gacan laga siiyo hirgelinta nidaam dimoqraadi ah oo dhameystiran, xakameynta hubka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG