Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Marxuum Xayd oo lagu aasayo Muqdisho
Marxuum Xayd oo lagu aasayo Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka mid ah Xildhibaanada mudada dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia ayaa lagu dilay Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah ilaalada xildhibaanka geeriyooday.

Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Coonka oo ka mid ahaa dadkii baabuurka la saarnaa xidlhibaan Xayd ayaa VOA u sheegay in baabuurkii ay wateen oo maraya xaafadda Xamar Weyne uu is hortaagay baabur kale oo ay saarnaayeen dablay hubaysan kuwaasi oo rasaas ku furay baaburka ay saarnaayeen.

Weerarkan ayaa waxa ku dhaawacmay mid ka mid ah xoghaynanada Golaha Baarlamaanka Somalia.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Afhayeen u hadlay Shabaabka ayaa Reuters u sheegay inay sii wadi doonaan dilka xildhibaanada Baarlamaanka.

Dilkan ayaa waxaa Cambeeryay Madaxda dawladda Somalia , waxaa sidoo kale cambaareeyay dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:57 0:00

XS
SM
MD
LG