Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad lagu Diley Waqooyiga Nigeria


Rag looga shakisan yahay inay yihiin maliishiyaad Islaami ah ayaa ugu yaraan 50 qof ku diley waqooyiga bari ee Nigeria.

Hoggaamiyeyaasha maxalliga ayaa sheegay in rag hubeysan oo mooto saarnaa ay weerareen kaniisado ku yaalla afar tuulo oo ka ku dhow Chibok oo ka tirsan gobolka Borno.

Sida laga soo xigtey dad goobjoogeyaal ah, milatariga Nigeria wax jawaab ah kama bixin, amaba waxay ahaayeen kuwo si gaabis ah uga jawaabey gargaarkii laga dalbadey markii weerarada ay bilowdeen.

Mike Omeri oo ah afhayeen ka tirsan dowladda Nigeria, ayaa sheegay in ciidamadu aaney halkaasi waxba ka qaban, amaba ay ka daaheen inay goobtaasi tagaan.

XS
SM
MD
LG