Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Bariga Ukraine oo u Qaxaya Russia


Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in kumanaan reer Ukraine ah oo ka cararaya dagaalada ka socda bariga Ukraine ay shaley dhoobnaayeen xadka Russia iyagoo halkaasi kaga gudbaya gawaari ay ka buuxaan alaabtooda.

Qulqulka dadkaasi oo uu arkey weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AP, ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor intaaney dhamaan xabbad joojin toddobaad soconeysey oo lagaga dhawaaqey Ukraine, iyadoo aan weli horumar la taaban karo laga gaarin wadahadalo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka ay wadaan xoogagga gooni u goosadka ee taabacsan Russia.

Dhanka kale, mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha fallaagada ayaa sheegay in afar ka mid ah kormeerayaal ka socdey Ururka Nabadgelyada iyo Iskaashiga Yurub ee ay afduubeen fallaagada bishii hore la sii daayey.

XS
SM
MD
LG