Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria, Iran oo Taageeraya Dowladda Iraq


Syria iyo Iran ayaa ku biirey dagaalka ka dhanka maliishiyaadka Muslimiinta Sunniga ee doonaya inay qabsadaan Iraq.

Raiisul Wasaaraha Iraq Nouri al-Maliki ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Syria ay weerareen horaantii toddobaadkan goobo ku yaalla xadka labada dal, gaar ahan dhanka Syria, halkaas oo marin u ah masiishiyaadka sunniga marka ay doonayaan inay qabsadaan dhulal hor leh oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Iraq.

Maliki waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayao weerarka cirka ee Syria ay fulisey maalintii Talaadada, balse aanu isagu weydiin.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Syria ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Iraq.

Dhanka kale, Iran ayaa iyana taageereysa dowladda ay Shiicada hoggaamiyaan ee magaalada Baghdad ka dhisan, iyadoo qalab milateri iyo agab kale geysey gudaha Iraq.

XS
SM
MD
LG