Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida: Aden Sheekh Xassan (Azhari)


Kulanti wacan oo wangaasan dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijkeenii Martida Microfanka – oo aan todobaadkan kaga hadleyno xiisadda xooggan dalka Ciraaq iyo arimaha la xiriira jabhadda ISIS.

Wdaadka Shiicada ugu weyn Moqtada al-Sadr ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ku gu cagan siiyaan milatariga Ciraaq dagaalka ay kula jiraan kooxda ISIS ee Suniyiinta ee qabsatay magaalooyin waaweyn oo ku yaala waqooyiga Ciraaq.

Iyagoo ka jawaabaya dalabkaasi ayaa kumanaan dhalinyarada shiicada ah ay isugu soo urureen Jidadka magaalada Baqdad maanta iyagoo isu diwaangelinaya dagaalka.

Wadaadkan oo ciidamadiisa Mehdi Army ay Mareykanka kula dagaalamayeen Ciraaq muddo sanado ah ayaa ugu baaqay taageerayaasha inay ka hortagaan kooxaha suniyiinta.

Barnaamijka waxaa todobaadkan marti noogu ah Aaden Hilowle oo loo yaqaan Aden Azhari oo ka faalooda arimaha Carabta.

Dhageytayaal barnaamijkeenii Martida Makaroofanka oo aan todobaadkan ku soo qaadanay xiisadda xooggan dalka Ciraaq iyo arimaha la xiriira jabhadda ISIS., oo uu todobaadkan marti noogu ahaa Aaden Hilowle oo loo yaqaan Aden Azhari oo ka faalooda arimaha Carabta, intaa ha inoo joogo.
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:42 0:00
XS
SM
MD
LG