Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caasimadda Ciraaq oo Khatar ku Jirta


Maliishiyaadka Islaamiga ayaa ku sii siqaya magaalada Baghdad kadib markii ay qabsadeen dhul 90 km dhanka waqooyi ka xiga caasimadda Ciraaq.

Weerarada sida degdegga u dhacaya ee maalmahan socey, ayaa dagaalyahanada Muslimiinta Sunniga ee waxay qabsadeen inta badanm dhulka ku yaalla waqooyiga dalka. Weerarkii ugu dmabeeyey ayaa maliishiyaadkan waxay ku qabsadeen magaalada Dhuluiyah.

Afhayeen u Hadley fallaagada, oo doonaya in dowlad Islaami ah ay waddanka ka dhisaan, ayaa wacad ku marey inay qabsan doonaan Baghdad, kadibna uga sii gudbi doonaan magaalada Karbala oo dhanka koonfuur galbeed ka xigta Baghdad, waana mid ka mid ah magaalooyinka barakeysan ee Muslimiinta Shiicada ah.

Madaxweyne Barack Obama oo sannadkii 2011 soo afjarey dagaalkii sagaalka sanno ee Mareykanka uu ka wadey Ciraaq, ayaa sheegey in Ciraaq ay u baahan tahay taageerada Mareykanka, isla markaana ay talaabo kasta furan tahay.
XS
SM
MD
LG