Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadaad Caan ah oo Lagu Diley Kenya


Mombasa, Kenya
Mombasa, Kenya
Koox dabley ah ayaa magaalada Mombasa toogasho ku diley wadaad Muslim oo caan ah. Waxaa uu noqonayaa wadaad diimeedkii afraad ee magaaladaasi Kenya ku taalla lagu dilo labadii sanno ee la soo dhaafey.

Booliska ayaa sheegay in Sheikh Mohamed Idris, oo ahaa madaxa Golaha Imaamyada iyo Daaciyiinta Kenya la diley isagoo hor taagan masjid magaalada ku yaalla.

Ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarka. Baareyaasha ayaa sheegaya in wadaadkan oo ahaa qunyar socod ay horey ugu hanjabeen dhalinyaro Muslimiin mintod ah, isla markaana uu noloshiisa u baqayey.

Saddexda hoggaamiye ee Muslimiinta ee horey magaalada loogu diley ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la lahaayeen kooxda Al Shaba boo ah koox xiriir la leh Al Qaacida oo xarunteedu tahay Somalia oo deris la ah Kenya.

Dadka degaanka qaarkood ayaa ku eedeynaya ciidamada ammaanka ee Kenya inay ka dambeeyeen dilka wadaaddada xagjirka ah, hase yeeshee dowladdu way beenisey eedeymahaasi.
XS
SM
MD
LG