Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Maraykanka oo Ka Gaabsaday Wararka Bergdahl


Bowe Bergdahl oo ah Askari Maraykan ah oo ay Taliban soo daysay
Bowe Bergdahl oo ah Askari Maraykan ah oo ay Taliban soo daysay
Miltariga Maraykanka ayaa isku dayaya inay koobaan macluumaadka ka soo baxaya caafimaadka iyo soo kabashada Askarigii Maraykanka ee Bowe Bergdahl oo ay Taliban ku badasheen shan sarkaal oo Taliban ah.

Waxaa haatan laga joogaa muddo todobaad ah markii Bowe Bergdahl lagu soo wareejiyay gacanta ciidmada maraykanka ah Iyada oo laga soo qaaday Afghanistan.

Hase ahaate afahyeenka wasaaradda gaashaandhiga maraykanka ee Pentagonka, Col. Steve Warren ayaa sheegaya in Bergdahl uu soo kabanayo dhinaca caafimaadka isaga oo ku jira isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka. Laakin wali lama aanu hadlin qoyskiisa iyo waalidkiisa oo in badan ka warsugayay maqalka codkiisa.

Warbaahinta ayaa sheegaysay maalmihii u dambeeyay in Bergdahl uu bilaabay in uu u furfurmo kooxda caafimaadkiisa kala shaqaynaysa , isaga oo uu sheegay in sanduuq shabag ah lagu dhex xidhay markii uu isku dayay inuu baxsado, waxa kale oo uu ka warramay siyaabo xun oo loola dhaqmi jiray intuu uu maxbuuska ahaa.

Xiisaha iyo danaynta loo qabo wararka la xidhiidha askarigan ayaa sii kordhayay tan iyo markii shaaca laga qaaday in la sii daaayay .

Waxaana arrinta xiiisaha gaarka ah u yeelay ka dib markii dhowr askari oo ka tirsanaa guutadiisa ay sheegeen in uu iskii uga goostay ciidanka maraykanka.

Mudnayaasha Congresska qaarkood ayaa iyaguna aad ugu dhaleeceeyay maamulka madaxweyne Obama oo ay ku sheegeen inaanu si wanaagsan uga fikirin talaabadan maadaama oo sida ay qabaan aanay isku dhigmin askarigan iyo shanta nine e saraakiisha Taaliban ee lagu badashay . waxaanay ku tilmaameen nimkaaasi inay halis wayn ku yihiin Maraykanka.
XS
SM
MD
LG