Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Marin Gargaar Waa in Laga Sameeyaa Bariga Ukraine


Russia's Foreign Minister Sergei Lavrov attends a news conference after a meeting with his Mauritanian counterpart Ahmed Teguedi in Moscow, June 2, 2014.
Russia's Foreign Minister Sergei Lavrov attends a news conference after a meeting with his Mauritanian counterpart Ahmed Teguedi in Moscow, June 2, 2014.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in dawladdiisa ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbin doonto qaraar qabyo ah oo ku baaqaya in bariga Ukraine laga furo marin loogu talagalay arrimaha bini’aadminimada.

Lavrov ayaa saxaafadda u sheegay in qaraarkan uu ku baaqayo in la joojiyo xiisadaha ka taagan gobolkaasi, isagoo xaaladda dalkaasi ku tilmaamay mid ka sii daraysa oo sii xumaanaysa.

Ciidamada Ukraine ayaa wali wada hawlgallo ka dhan ah kooxaha taageersan Ruushka ee gooni-goosadka ah ee ku badan bariga Ukraine.

Dagaallo kale ayaa maanta ka soo cusboonaaday magaalada Luhansk halkaasi oo kooxa gooni u goosadka ahi ay weeraren bar kontarool oo ku taalla xuduudda Ukraine.
XS
SM
MD
LG