Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Cusub ee Falastiin oo la Dhaariyey


Madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas ayaa maanta dhaariyey xubnaha dowlad cusub oo wadaag ah oo ka kooban Fatah iyo Hamas, kuwaas oo ah labada kooxood ee kala hoggaamineysey Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza toddobadii sanno ee la soo dhaafey.

Xafladda ayaa ka dhacdey Ramallah, waxayna dhacdey wax yar kadib markii labada dhinac ay heshiis ka gaareen muran ku saabsanaa go’aan uu Madaxweyne Abbas doonayey in wasaaradaha cusub aan lagu soo darin wasaarad qaabilsan arrimaha xabsiyada.

Mareykanka ayaa ururka Hamas uu aqoonsan urur argagixiso, waxaana Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry uu wallaaca ku saabsan in ururkaasi Islaamiga ah uu door ku yeesho dowladda Falastiin uu u muujiyey Mr Abbas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in Mr Abbas uu u xaqiijiyey Mr Kerry in dowladda cusub ay ka go’an tahay inay ka fogaato wax rabshado ah, isla markaana ay aqoonsato Israel. Waxay Ms Psaki intaa ku dartey in Mr Kerry uu sheegay in Mareykanka uu dowladdaasi ku xukmin doonno xubnaha ku jira, siyaasadaha ay la timaaddo iyo hab dhaqankooda.

Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ugu baaqey hoggaamiyeyaasha caalamka inaaney aqoonsan dowladda Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in dowladdaasi ay tahay mid sii xoojin doonta argagixisonimada, maadaama Hamas ay mar walba ku baaqdo in la burburiyo Israel.
XS
SM
MD
LG