Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka: Laba Kun oo Rayid ah Ayay Dishay Dowladda Syria


Mid ka mid ah kooxaha u ololeeya arrimaha Syria ayaa sheegtay in weerarada dhinaca cirka oo ciidamada dowladda ay geysteen ay ku dhinteen ku dhowaad 2,000 oo rayid ah , kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Xalab oo ah magaalada ugu weyn waddanka.

Guddiga La Socodka Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in 567 carruur iyo 283 haween ah ay ka mid ahaayeen dadkii lagu diley magaaladaasi ku taalla waqooyiga dalka oo xarun u ah dagaalyahannada mucaaradka.

Guddigan oo xaruntiisu tahay Britain ayaa tirooyinkan ka heley dad ku sugan gudaha waddanka, waxayna ka dhigan tahay in laga soo bilaabo 1-da January ilaa 29 May ee sannadkan maalintiba la dilayey 14 qof oo rayid ah.

Sarkaal ka tirsan guddiga oo magaciisa la yiraahdo Rami Abd al-Rahman ayaa VOA u sheegay in rabshadaha weli socda ay adkeyneyso suuragalnimada in doorasho xor oo caddaalad ah oo madaxtinimo ay ka dhacdo Syria 3da bisha June, sida la qorsheynayo.

Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa la filayaa inuu su sahlan mar 3aad ugu guuleysto doorashada madaxtinimada.

Kooxaha mucaaradka iyo in badan oo ka mid ah kormeerayaasha caalamka ayaa doorashooyinkaasi ka hor yimid kuna tilmaamey kuwo aan waxba soo kordhineyn.
XS
SM
MD
LG