Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbaxyo ka Dhacay Malawi


Booliska dalka Malawi ayaa gaaska dadka kaga ilmeysiiya u adeegsadey si ay u kala eryaan dad banaanbaxyo dhigaya oo dalbanaya in dib loo tiriyo codadka doorashadii madaxtinimada ee toddobaadkii hore dhacdey.

Dibadbaxeyaasha ayaa gubey taayaro, waxayna burburiyeen dukaamo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Lilongwe, iyadoo la filayo in maxkamadda sare ay go’aan ka gaarto in natiijada doorashada ee lagu muransan yahay la shaaciyo ama in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtey.

Doorashada ayaa waxaa hareeyey dhibaatooyin, kuwaas oo ay ka mid yihiin goobaha codbixinta oo qaarkood waqti dambe la furey iyo qaladaad ku jirey waraaqaha codbixinta.

Dhibaatooyinkaasi waxay dhaliyeen in guddiga doorashada ay maalin ku daraan waqtiga codbixinta, iyo weliba meelaha qaarkood oo saddex maalmood laga codeynayey.

Madaxweyne Joyce Banda waxay sheegtay in doorashada ay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax is daba marin, iyo weliba goobaha qaar oo dadku hal mar wax ka badan ay codeeyeen.

Waxay amar ku bixisey in doorasho cusub la qabto muddo 90 maalmood gudohood, iyadoo intaa ku dartey inaaney ka mid noqon doonin musharixiinta.

Laakiin maxkamadda sare ayaa go’aankaasi diidday, markii xisbiga ugu weyn mucaaradka uu ka cawdey.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada ee ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa muujinayey in Ms. Banda ay ku jirtey kaalinta 3aad musharixiinta 12ka ah ee tartanka ku jirey. Peter Mutharika oo la dhashey madaxweynihii hore ee geeriyooday Bingu wa Mutharika ayaa kaalinta 1aad ku jira.
XS
SM
MD
LG