Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jonathan oo u Hanjabey Boko Haram


Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay qaaddo talaabo kasta oo lagu soo badbaadinayo in ka badan 200 gabdhood oo dugsiyada wax ka barta, kuwaas oo ay afduubeen kooxda Boko Haram.

Waxaa uu sheegay in 45 maalmood ay ka soo wareegtey tan iyo markii la afduubay hablahan. Waxaa uu sheegay in kooxo mayal adag oo shisheeye oo kaashanaya dad u dhashey Nigeria ay doonayaan inay burburiyaan waddanka , dimoqraadiyadda iyo xornimada ay Nigeria ku naalooneyso.

Waxaa uu Mr Jonathan balanqaadey dagaal dhameystiran oo ka dhan ah argagixisada, isagoo intaa ku darey inuu amrey ciidamada ammaanka inay qaadaan tallaabo kasta oo sharciga waafaqsan si ay Nigeria uga sifeeyaan argagixisada, sharcigana loo hor keeno.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho dadka u dhashey Nigeria ee taageerey Al Qaacida ama ururrada la midka ah, haddii ay ka joojiyaan argagixisonimada.
XS
SM
MD
LG