Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Shaaciyey Qorshihiisa Afghanistan


Madaxweyenaha Maraykanaka Barack Obama ayaa sheegay in 9,800 oo ciidanka Maraykanka ahi ay sanadkan ka dib sii joogi doonaan dalka Afghanistan, hase yeeshee, ciidankaas la soo wada saari karo haddii hogaamiyeyaasha dalkaasi aanay saxeexin heshiiska dhinaca amaanka ah oo labada dalka dhex mara.

Mr. Obama ayaa Talaadadii shalay hadalkan Aqalka Cad ka sheegay.

Haddaba haddii Mr. Obama uu guddoonsaday in ciidanka Maraykanka uu Afghanistan kasoo saaro, muxuu haddana u doonayaa inuu qeyb ka mid ah ay dalkaas u sii joogaan.

Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Sandhere waxa uu weydiiyey Cabdikhery Soofe oo xiriirka dadweynaha u qaabilsan magaalada Columbus ee gobolka Ohio, arrimaha Maraykankana aqoon u leh.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00
XS
SM
MD
LG