Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Sheegatay Qaraxii Djibouti


Kooxda al-Shabab ayaa sheegtay inay ka danbeeyeen weerarkii qarax ee lagu qaaday makhaayad ay fadhiistaan dadka reer Galbeedka ah oo ku taalla Djibouti, halkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof, 15-kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa cod la soo duubay ku sheegay in dagaalyahanno ka tirsan al-Shabab ay weerarkaasi fuliyeen, iyadoo weerarkaasi sida uu sheegay ay ku dileen 35 qof oo reer Galbeed ah oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ee Djibouti ku sugan.

Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkani uu aargoosi u yahay xasuuqa ay Faransiisku ka wadaan dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo taageerada ay siiyaan ciidamada Djibouti ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda Djibouti ayaa iyadu horey u sheegtay in weerarkaasi ay ku dhinteen saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin kuwii weerarka fuliyay.
XS
SM
MD
LG